Magoha oo sheegay inuu si wadi doona gudashada waajiibaadka uu igmaday madaxweynaha dalka

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof George Magoha ayaa carabka ku adkeeyay inuu sii wadi doono gudashada waajibaadkiisa ee uu igmaday madaxweyne dalka Mr Uhuru Kenyatta si loo hubiyo in wasaaradda ay kajirta kala dambeyn iyo maamul wanaag waa sida uu hadalka u dhigay.
Arrinkan ayuu sheegay xilli uu kormeerayay kuraas loo qaybinayay dugsiyo ku yaalla deegaanka Kibra ee magaaladatan Nairobi.
Magoha ayaa xusay in maamulkiisa uu gacan ka gaysatay xididida dhaqamada xumaaday ee wasaaradda horaan uga jiray.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya 24 saac uun kadib markii maamulka adeegga dadweynaha uu soo saaray wareegto u xilsaaraya in qaar ka mid ah waajibaadyadi saarna Mr Magoha laga wareejiyo sida xilka maareynta shaqaalaha wasaaradda waxbarashada waxaana loo dhiibay xoghayaha joogtada ee wasaaradda tacliinta Dr Belio Kipsang kaas oo jagadaas sii heyn doona ilaa iyo amar dambe.
Prof Magoha ayay kaameradu qabatay isaga oo canaan iyo aflagaado isugu daraya agaasimaha waxbarashada ee ismaamulka Uasin Gishu Gitonga Mbaka.
Arrintaan ayaa si weyn looga hadal haya dalka waxaana ka carooday dad badan.
Wasiirka waxbarashada ayaa arrinta uu sameeyay raali galin ka bixin balse waxaa uu muujiyay inuu ka xun yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here