Magoha oo talo u soo jeediyay waalidiinta ay ku adagtahay bixinta lacagaha dugsiyada sida gaarka loo leeyahay

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof George Magoha ayaa ka codsatay waalidiinta aan awoodin bixinta lacagaha fiiska ee dugsiyada sida gaarka loo leeyahay inay carruurtooda u wareejiyaan iskuulada dowladda ee bilaashka ah marka dugsiyada hoose dhexe iyo sare dib loo furo bisha Oktober.
Waalidiin badan oo carruurtooda ay wax ka barta goobahan ayaa waxay sheegeen in ku adagtahay bixinta lacagaha fiiska madaama uu saameyn ku yeeshay cudurka Covid-19.
Dhanka kale Madaxa fulinta ee ururka ay ku mideysan yihiin dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay Peter Ndoro ayaa sheegay in dhowr xarumood laga cabsi qabo inaysan dib u furmim marka dugsiyada dib loogu laabto.
Xilli uu u warramay wargeyska Nation ee maalinlaha ayuu mas’uulkan sheegay in dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay ay saameyn xooggan ka soo gaartay cudurka..
Sido kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dugsiyadan oo la xiray bishii saddexaad ee sannadkan qarashaad badan lagu yeeshay.
Waxaa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in 131 xaruumood gaar loo leeyahay islamarkaana ay wax ka bartaan 44 kun oo arday iyo macalimiintooda oo dhan 1,300 ay ku soo war geeliyiin in goobahaasi ay dib ufurmi doonin
Waxaa uu intaa ku daray in 11,OOO oo ah dugsiyada sida gaarka loo leeyahay ay ku yaallan wadanka halka ardayda wax ka barata goobahaan ay gaarayaan 2.5 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here