Maktabad loogu magac daray Eng Yariisow oo Muqdisho laga Furay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga kajray Maktabad cusub oo laga hirgaliyay xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir si ay uga faa’ideystaan dhallinyarada Caasimadda ku nool waxaana Maktabadaas loogu magac daray guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii hore ee Magaalada Muqdisho allaha u naxariistee Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusaan (Yariisoow)
Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa xariga ka jaray qeyb cusub oo laga hirgaliyay xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir Kaas oo loogu talagalay in dhallinyarada gobolka Banadir ay ku bartaan cilmiga Computer-ka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magallada muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxaa uu ka hadlay doorkiisa ku aadan fursadaha ay dhallinyarada mudan yihiin.
Isagoo sheegay in da’yarta soomaaliyeed ay la mid yihiin caruurtiisa waxa ay carurtisa ka mudanyihina aay sido kale dhalinyarada casimada ku nool ka mudanyihiin hasa ‘ahaate waxa loo bahanyahay in dhalinyarada gacmaha is qabsadan oo aay kalin muuqata ka geestaan xasiloonida casimada meelna ooga so wada jeestaan kuwa nabada diida ayu yiri Guddoomiyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here