Malaayiin Kenyaan ah oo gaajo daran halis ugu jiro

Warbixin cusub oo la soo saaray oo ku saabsan bixinta gargaarka baniaadanimo ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 3.6 miliyan qof oo ku nool dalka ay halis ugu jiraan gaajo aad u saameyn karto noloshooda.
Tiradan ayaa ka mid ah in ka badan hal bilyan ama boqolkiiba 16 dadweynaha ku nool caalamka oo wajahaya dhibaatooyinka dhanka baniaadanimada.
Waxaa warbixinta soo bandhigtay shirkad sameysa cilmi baarista oo laga leeyahay ingiriiska.
Wadamada dadka ugu badan ee ku nool ay macluul haysato ayaa ah kuwa ay dagaaladu ka jiraan.
Dalalka Kenya , Itoobiya , Suudaanta Koonfureed,Liibiya, Soomaaliya iyo Afrikada bari ee CAR ayaa warbixinta lagu xusay in dadweynaha ku nool qaar ka mid ah ay u baahan yihiin gargaar sare ama heer dhexdhexaad ah.
Waxay tani ku soo aadaysaa iyadoo uu caalamka ka jiro cudurka COVID19 oo saameyn ballaaran ku yeeshay dhaqaalaha dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here