Malaayiin qof oo lagu amray inaynan guriyahooda ka soo bixin Filibiin

Dowladda dalka Filibiin ayaa malaayiin qof ku amartay inay guriyaooda ku sugnaadaan.
Amarkan ayaa saameynaya in ka badan 27 milyan oo qof oo ku nool jasiiradda Luzon oo ay ka tirsan tahay caasimadda dalkaas ee Mania.
Waxaa uu yimid kaddib markii ay kiisaska coronavirus sii kordheen waxaana looga gol-leeyahay in faafitaanka caabuqa lagu xakameeyo.
Dadka ayaa guriyahooda ka sii bixi karo oo keliya marka ay raadsanayaan waxyaabaha muhiimka ah ama shaqo.
Kiisaska corona ee halkaas laga diiwaangeliyay ayaa kor u dhaafay 100,000.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here