Malaysia oo amar ku soo rogtay shacabka waddamo ay India ka mid tahay

Dowladda dalka Malaysia ayaa inay wadankeeda soo galaan ka mamnuucday dadka sita baasaboorrada India, Indonesia iyo Filibiin.
Amarkan oo dhaqan galaya 7-da bishan ayaa saameynaya dadka ka yimaado saddexdan waddan ee isticmaalaya baasaboorrada muddo dheer shaqeeya.
Go’aankan ayaa loo aaneeyay in kiisaska cudurka COVID-19 ay waddamadan ku sii bateen.
Wasiir sare oo lagu magacaabo Datuk Seri Ismaaciil Sabri Yaakob ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ka sheegay in go’aankan la qaatay kaddib talooyin ka yimid khuburrada caafimaadka.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here