Malaysia oo ganacsiyada dib u furaysa 4-ta May

Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia Muxiyiddiin Yaassiin ayaa maanta oo Jimco ah shaaciyay in 4-ta bishan dib loo furaya in badan oo ka mid ah goobaha ganacsiga.
Hasa ahaate inta aan amarkan la dhaqangelin waxaa jiro shuruudo la doonaya inay goobahan buuxiyaan .
Khudbad qaran oo uu jeediyay ayuu ra’iisul wasaaraha Malaysia ka sheegay inay sii xirnaan doonaan meelaha ay dadka badan isugu yimaadaan .
Mr.Muxiyiddiin ayaa dhanka kale sheegay in xayiraadda ay dowladda dalkaas oo rogtay kaddib markii la xaqiijiyay kiisas la xiriira coronavirus ay lumisay dhaqaale gaaraya 63 bilyan oo u dhiganta 14.66 bilyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here