Malaysia oo kordhisay xayiraadda baasaboorrada wadamada qaar

Dowladda dalka Malaysia ayaa maanta liis hore ku kordhisay ugu yaraan sagaal wadan oo shacabka ka soo jeedo aan loo ogolayn inay dalkaas galaan.
Liiskan waxaa ku jiro wadamada Maraykanka , Ingiriiska , Faraniiska Brazil, Spain, Italy, Sacuudi Carabia, Ruushka iyo Bangladesh.
Waxaa ka sii horeeyay India, Indonesia iyo Philippines.
Amarkan oo looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka coronavirus ayaa dhaqan galaya 7-da bisha sagalaad ee sannadkan.
Malaysia waxaa laga diiwaangeliyay 9,374 oo ah kiisaska cudurka COVID-19 iyo dhimashada 128 qof .
Wasiir sare oo lagu magacaabo Ismaaciil Sabri ayaa sheegay in wadamado dheeraad ah xayiraaddan la saari doono hadii ay soo baxdo inay ka jirto halis sare oo la xiriirta coronavirus.

dhanka kale Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa ka digtay in fayraska corona uu dhaawacaya mustaqbalka waxbarashada ee carruurta qaxootiga.
Waxay hay’adda sheegtay in ardayda badankooda gaar ahaan gabdhaha ay suurtagal tahay inaynan dugsiyada dib ugu laaban marka la furo.
Sannadkii hore waxaa boqolkiiba 2 yaraaday tirada ardayda ee dugsiyada ku biiray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here