Malaysia oo laga soo tabiyay 85 ah kiisaska cusub ee coronavirus

Dowladda Malaysia ayaa maanta oo Arbaco ah diiwaangelisay kiisas cusub oo ah kuwa caabuqa Coronavirus oo gaaraya 85.
Tiradan ayaa lagu sheegay midii ugu hooseysay ee maalinla ah tani iyo markii Dowladda dalkaas ay soo rogtay xayiraado lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Covid-19.
Amarkaas ayay Dowladda Malaysia ku dhawaaqday 18-kii bishii saddexaad ee sannadkan .
Kiisaska guud ee wadanka laga xaqiijiyay ayaa hadda ah 5,072.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sido kale diiwaangelisay hal kiis oo dhimasho ah waxayna tani tirada dadka ee cudurka caalamka ka jiro ugu dhintay gudaha Malaysia ka dhigaysa 83 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here