Malaysia oo xirtay xadka ay la wadaagto dalka Singapore

Hay’aada caafimaadka addunka ee WHO ayaa hadda ku baaqeysaa in tallaabo adag ay qaadaan wadamada Koonfuuurta Bari Aasiya si looga hortago cudurka Corinavirus oo kusii faafaya gobolkaasi.
Koonfuuurta Bari Aasiya ayaa hadda kusii fidaya caabuqan kaas oo kasoo bilawday masjid ku yaala Kuala Lumpur oo ay isugu yimaadeen dad dhan 16,000.
Dalka Malaysia ayaa ah wadanka saameynta ugu badan ay kasoo gaartay cudurkan gobolkaasi.
Wadamada Yurub ayaa isku dayaya in ay xiraan xuduudahooda si loo xakameeyo caabuqan COVID-19.
Taliyaaniga ayaa lagasoo tabiyay 345 dhimasho ah halka Mareykanka uu caabuqan ku fiday dhamaan 50-ka gobol.
Waxaa uu cudurkan soo ritay dad dhan 184,976 guud ahaan caalamka halka uu noolashoodu galaftay 7,500 oo qof sida ay sheegtay WHO.
Ku dhawaad 80,000 oo qof ayaa kasoo kabsaday xanuunkan sida ay shaacisay jaamacadda Johns Hoipkins.
Dalka Malta ayaa laga bilaabo Sabtida waxaa la mamnuuci doonaa dhamaan diyaaradaha soo galaya gudaha dalka marka laga reebo kuwa xaamulka, bani’aadanimada iyo kuwa dib ugu laabanaya dalkooda.
Dalkan ayaa hada xaqiijiyay kiisas dhan 38.
Wasaaradda caafimaadka ee Philipine ayaa xaqiijisay 15 kiis oo cusub iyada oo tirada guud ka dhigeysa 202.
Qaar kamid ah safaaradaha Mareykanka ee caalamka ayaa lagu wadaa in la hakiyo hawlaha dal ku galka sida ay shaacisay safaaradda Mareykanka ee Kuuriyada Koonfureed.
Wasiirka caafimaadka ee Fransiiska ayaa sheegay in 10-ka maalmood ee soo socda ay rajeenayaan in kiisaska cudurkan uu yaraado kadib markii la mamnuucay isku socodka dalkaasi.
Malasiya ayaa xirtay xadka ay la wadaagto dalka Sinngapore si ay u xakameeyso faafida cudurkan faraha ba’an ku haya dalalka caalamka, iyada oo tirada dadka uu soo ritay wadankaasi ay gaartay 673 kiis.
Shirkadda diyaaradaha ee Koonfur Afrika ee South Africa exepress ayaa sheegtay in ay joojin doonto dhamaan duulimaadyadeeda laga bilaabo Arbacada kadib saameeynta cudurka Coronavirus oo sii badanaya.
Dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa iyaguna bilaabi doonaa wada hadalo ku saabsan xiritaanka xuduudahooda laga bilaabo Arbacada.
Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijisay 93 kiis oo cusub Arbacada, taas oo tirada guud ka dhigeeysa 8,413 kiis.
Shiinaha ayaa xaqiijiyay 13 kiis oo cusub oo caabuqan ah iyo 11 dhimasho ah iyada oo guud ahaan tirade dadka uu soo ritay wadankaasi ka dhigeysa 80,894.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here