Mandera oo laga bilaabay talaalka cudurka Qoorgooyaha

Wasiirada wasaarada caafimaadka ee ismaamulka Mandera Marwo Rahma Abdullahi ayaa maanta si rasmi ah ufurtay goob lagu talaalayo cuduraka qoorgooyaha
Olalaha talalka cudurkaan ayey wasiirada si rasmi uga furtay iskulka dhexe ee Diibi
Cudurka Qoorgooyuhu waa infakshan ku dhaca maskaxda iyo laf dhabrka kuna gaaf wareega
Cudurkaan ayaa maskaxda dhaawac weyn ugeysta wuxuuna sababi kara dhimasho 50% hadii aan la daaweyn
Gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa ah gobolka ugu badan ee kiisaska cudurkaan laga soo tabiyo taas oo Kenya ka dhigeyso mid ka mid dalalka khatarta ugu jira cudurkaan
Dhanka kale talalka cudurkaan ayaa laga bilaaway ismaamulada Marsabit, Turkana, Wajir iyo West Pokot kuwaas oo khatar ugu jira cudurkaan
Mrs Rahma ayaa sheegtay in uu sagaal maalmood uu socon doona talaalka cudurkaan ayadoona ismaamulkaasi ay ku noolyiohiin 690,000 qof dadka laga talalayo cudurkaan ay da’adoodu u dhaxeyso hal jir ila sagaal iyo labaatan jir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here