Mandera oo laga billaabay shaqaaleysiinta dhalinyarada ku biiraya ciidamada KDF

Waxaa magaalada Mandera saaka laga billaabay qorista dhalinyarada doonaya inay ka mid noqdaan ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta.
Garoonka Moi stadium ee Mandera waxaa iska soo xaadiriyay da’yar tiradooda gaareyso boqol kuwaasoo diyaar u ah in ay ku biiraan ciidanka gaashaandhigga haddii ay buuxiyaan shuruudaha laga doonayo.
Taliyaha howshan qaabilsan Franco Otiso ayaa cadeyey in sannadkan mandera laga qaadan doono wiilal oo keliya halka gabdhahana ay nasiibkooda tijaabin karaan sannadka dambe.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in shaqaaleysiinta abaare 8:15 ee subaxnimo ee saaka ay ka billaabeen bariga Mandera isagoo u mahadceliyay dhalinyarada isa soo saaray ee jecel inay qaranka u adeegaan.
Isagoo sharraxaya marxaladaha kala duwan ee la mariyo dadka doonaya inay KDF-ta ka mid noqdaan iyo sida ay u tixgeliyaan sinnaanta jinsiyadeed ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa

Cod : Ilaa iyo hadda marxalado badan ayaan dhalinyarada marinay, waxaan eegnay dokumeentiyadooda iyo aqoonsiga qaran ee ay sitaan sida ku qeexan xeerarka shaqaaleysiinta ee KDF iyo waxyaabo kale.
Hadda sidaad u jeeddaan waxaan dhameynay dhanka caafimaadka gaar ahaan aragga oo aan xaqiijinaynay, xaruntan hadda gabdhaha fursad lama siin balse waxaan rajeynaynaa in sannadka dambe halkan laga shaqaaleysiin doono.
Wuxuu intaasi ku daray in shaqaaleysiintan ay tahay mid sannadla ah iyadoo ay jirto tiro gaar ah oo la qorsheeyay in xarumaha kala duwan laga howlgeliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here