Mandera oo xaqiijisay laba kiis ee Coronavirus

Guddomiyaha ismaamulka Mandera Ali Roba oo shir jaraaid oo uu maanta qabtay waxaa uu ka sheegay in gudaha magaalad Mandera laga xaqiijiyay laba kiis ee la xiriira caabuqa Coronavirus .
Labada qof ayuu sheegay inay ku safreen Shirkada baska ee Makkah ee ka howl galo Mandera ila Nairobi 31 bishii maarso oo aynu ka soo gudubnay.
Labada qof ayaa marka hore laga shakiyay ayaa lagu arkay astaamaha cudurka sida hargab, qando kahor inta aan dhacankooda loo soo gudbin Magaalada Nairobi iyadoo laga helay Cudurka
Waxaa dhanka kale ka codsaday dhamaan rakaabkii la soo safray in ay is geeyaan isbitaalka si loo hubiyo caafimaadkooda ama ay is karantiilaan muddo 21 malmood
Waxaa uu codsaday in machadka KEMRI uu Mandera ka furo xarun lagu baaro dhacaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here