Maqaamka Muqdisho oo laga shiray

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamud Maxamed (Filish) oo Maanta ka hadlayay madal looga doodayay sidii Caasimadda Muqdisho ay u yelan laheyd maqaam gaar ah ayaa faah-faahiyay aragtida dadweynaha Caadimadda ku nool.
Gudoomiyaha ayaa sheegay inay Magaalada Muqdisho kunoolyihiin dad lagu qiyaasay in kabadan 3-Milaan oo qof kuwaasoo aan laheyn matalaad siyaasi ah iyo maqaamka Caasimadda waxaana uu xusay inay aragtida dadweynaha Muqdisho kamid tahay inay helaan xaquuq lamid ah kuwa maamul goboleedyada taasoo qeyb ka qaadan doonta dib-udhiska Caadimadda iyo in magaaladu ay soo ceshato heybadii ay barisamaadkii Caalamka ku laheyd.
Wasiirka wasaarada arimaha gudaha ee Xxukuumada Fedraalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhankiisa ka hadlay muhiimada ay lee dahay maqaamka Muqdisho.
Waxa uu sheegay inay muhiim tahay qabashada doodan islamarkaana loo baahan yahay in la xaliyo baahiyaha ay tabanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho isagoo uga mahadcelinaya wasaarada Dastuurka sida ay isaga xilsaareyso howlaha kusaabsan maqaamka magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo furay kulanka ayaa ka hadlay dib-u-eegista Dastuurka iyo kaalinta maqaamka Muqdisho.
ujeedka Dib-u-eegista Dastuurka qaranka ayuu sheegay inay noqonayso mid ay kuwada qanacsan yihiin umada Soomaaliyeed iyo in dood Cilmiyeeysan oo dhaxalgal ah laga sameeyo maqaamka Caasimadda iyo helida mataalada siyaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here