Maqaayadaha oo dib loo furaya

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro qorsho dib loogu furaya maqaayadaha .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in goobahan ay furnaan doonaan inta u dhaxaysa 5-ta aroornimo ilaa iyo 4-ta galabnimo.
Hasa ahaate inta aan maqaayadda la furin waxaa cudurka covid-19 laga baaraya howlwadeennada si hadii looga waayo loogu ogolaado inay shaqeeyaan.
Sido kale waxaa la doonaya in maamulka maqaayadda uu xaqiijiyo in loo hoggaansamaya amarrada dowladda sida in macaamiisha ay isku jiraan ugu yaraan hal miitir.
Kaddib markii cudurka Covid-19 lagu arkay gudaha dalka ayay dowladda dhexe amartay in albaabada la isugu dhufto goobaha cuunada waxaana loo ogolaaday oo keliya inay fidiyaan adeegyada loo yaqaano take-away ee ah in cuntada uu qofku gurigiisa u qaato

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here