Maqaayadaha oo la xirayo 8-da fiidnimo

Waxaa maanta si rasmi ah wadanka kaga dhaqan galaya amar shalay ka soo baxay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo hal saac uu ku kordhiyay mudadii ay shaqeyn jireen goobaha lagu cunteeyo.
Maqaayadaha oo horay loo xiri jiray 7-da fiidnimo ayaa laga billaabo maanta albaabada la isugu dhufanayaa 8-da fiidnimo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa macaamiisha iyo shaqaalaha goobahan ku baraarujiyay inay u hoggaansamaan amarrada iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19.
Waxaa amarradan ka mid ah inaan aad la isugu dhawaan oo labadii qofba ay isku jiraan ilaa 1.5 miitir sido kalena gacmaha si joogto ah loogu dhaqdo biyo iyo saabuun ama gacma nadiifiyaha loo yaqaano Hand Sanitizer.
Mr. Kenyatta ayaa xilli uu shalay khudbad qaran jeediyay sheegay in cid kasta ay mas’uuliyad shakhsiyeed ka saaran tahay ka hor tagga fayraska corona.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inaynan suurtagal ahayn in laamaha ammaanka ay si joogto ah ula socdaan habdhaqanka qof kasta sidaas awgeedna la doonayo inaan la fududeysan halista cudurka sido kalena la iska kaashado la dagaalankiisa.
Khudbadda uu Mr. Kenyatta jeediyay ayaa ahayd midii 11-aad ee ku saabsan cudurka COVID19 tan iyo bishii saddexaad ee sannadkan.
Waxyaabaha kale ee uu shalay madaxweynaha dalka ku dhawaaqay waxaa ka mid ahaa inuu muddo 30 cisho ah ku kordhiyay bandowga habeenkii.
Baararka iyo goobaha lagu caweeyo ayaa sii xirnaan doono 30 cisho oo kale.
Sido kale tirada dadka ee ka qayb gelaya xafladaha arooska iyo aaska oo ahayd 15 qof ayaa laga dhigay 100.
Waxaa meesha laga saaray go’aankii horay loogu mamnuucay ka ganacsiga dharka hudheyda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here