Mararykanka oo noqday dalka laga soo tabiyay kiisaska ugu badan ee Coronavirus

Maraykanka ayaa noqday dalka ila iyo haataan laga soo tabiyay kiisaska ugu badan ee la xaqiijiyay ee cudurka Coronavirus sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Mareykanka.
Dadka uu saameeyay caabuqa Coronavirus ee dalka Maraykanka waxay tiradoodu gaartay 86 kun, halka 1,288 oo qof ay u dhinteen.
Maraykanka ayaa haatan ka sare maray dalalka Shiinaha iyo Talyanaiga oo ahaa dalalka ugu badan ee laga soo tabiyay kiisaska firuusiga Corona halka Talyaniga uu yahay dalka dhimashada ugu badan laga soo sheegay iyadoona tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 8,200 oo qof.
In kabadan 122,000 kun qof guud caalamka ayaa ka bogsaday cudurkan halka 24,054 kun ay qofna ay u dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here