Maraykanka iyo Faransiiska oo iska kaashanaya xoojinta amniga bariga dhexe

Dowladaha Maraykanka iyo Faransiiska ayaa sheegay inay si dhow uga wada shaqeyn doonaan sidii lagu xoojin lahaa ammaanka wadamada khaliijka .
Tallaabooyinkan ayaa looga gol leeyahay in looga hor tago weeraro hor leh kaddib bartilmaameedsigii ka dhanka ahaa warshadihii shidaalka ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Falkaasi ayaa lagu eedeyay iiraan balse waa ay iska fogeysay.
In ka badan laba bilood ayaa weerarkaasi ka soo wareegtay balse ilaa iyo hadda xukuumadda Washington ma aynan soo bandhigin wax caddeyn oo ay ku muujinayso inay iiraan fulisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here