Maraykanka iyo ingiriiska oo ciidamo looga dilay Ciraaq

Coalition forces train Iraqi soldiers improve their skills during a military exercise at Camp Taji, north of Baghdad, Iraq, Monday, March 20, 2017. Coalition forces continue to train Iraqi troops as the battle against the Islamic State group in Mosul progresses in the country's north. (AP Photo/Hadi Mizban)

Mas’uul ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in weeraro ka dhacay gudaha Ciraaq ay saraakiil uga dhinteen.
Weerarada oo ahaa kuwo dhowr ah oo gantaallo loo adeegsaday ayaa lagu soo warramayaa in lala eegtay saldhig ay ku sugnaayeen xubnaha isbeheysi ay Maraykanka iyo ingiriiska qeyb ka yihiin.
Mas’uulkan oo aan jecleysan in magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa xusay inay qiimeyn sameynayaan.
Sido kale waxaa uu carrabaabay inuunan faahfaahin dheeraad ah bixin karin maadaama uunan diyaar u ahayn inuu ka hor dhaco baaritaanada ku aaddan dhacdooyinka laga soo tabiyay saldhigga Camp Taji.
Ilaa saddex sarkaal ayay wararku sheegayaan inay halkaas ku dhinteen.
Afhayeenka ciidamada milatariga Maraykanka Colonel Myles Caggins ayaa dhankiisa sheegay in ilaa 15 gantaallo ah la adeegsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here