Maraykanka iyo Taalibaan oo wada hadaladooda gabagabeynaya

Dowladda Maraykanka iyo Kooxda Taalibaan ayaa ku dhow inay soo afmeeraan wada hadalada uga socday dalka Qatar ee la doonayo in xal loogu helo dagaalada ragaadiyay wadanka Afghanistan.
Dibloomaasi matalaya Maraykanka laguna magacaabo Zalmay Khalilzad ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu xusay inuu maanta oo axad ah tagaya caasimadda Afghanistan ee Kabul si uu xaaladda u indhaindheeyo.
Wada hadalada Qatar ayaa hadda maraya wareeggii sagalaad halka mas’uulkan uu caddeeyay in ujeedada laga leeyahay ay tahay in gudaha Afghanistan aynan ka sii jirin halis dalkaasi uu wajahayo ,Maraykanka ama waddan kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here