Maraykanka: Ma jiro qorsho ay ciidamadeena kaga baxayaan Ciraaq

U.S. Army Pvt. Joseph Burton and Staff Sgt. John Martinez clear a street corner during a raid in the Tamooz neighborhood of Mosul, Iraq, April 27, 2007. The Soldiers are with 3rd platoon, Delta Company, 2nd Battalion, 7th Cavalry Regiment, 4th Brigade Combat Team, 1st Cavalry Division. (U.S. Air Force photo by Staff Sgt. Vanessa Valentine) (Released)

Xoghayaha waaxda gaashaan dhigga ee Maraykanka Mark Esper ayaa sheegay in xukuumadda Washington aynan lahayn wax qorsho ah oo ay ciidamadeeda kaga saarayso gudaha dalka Ciraaq.
Arrintan ayaa timid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in milatariga Maraykanka uu isku diyaarinayo inuu saraakiishiisa kala soo baxo wadankaas.
Mr. Esper ayaa xilli wax laga weydiiyay warqad la soo tabiyay inay milatariga Maraykanka ka soo baxday carrabka ku adkeeyay inuunan jirin go’aan la qaatay .
Maalmo ka hor ayay ahayd markii baarlamaanka dalka Ciraaq uu ansixiyay qaraar dowladda looga dalbanayo inay ka shaqeyso sidii dhammaan ciidamada Shisheeye halkaas ay uga bixi lahaayeen kaddib dilkii taliyihii ciidamada Qudus ee kacaanka iiraan Qassem Soleimani loogu gaystay magaalada Baghdad.
Bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Ciraaq Cadel Cabdul Mahdi ayaa lagu sheegay in labada dal ee Maraykanka iyo Ciraaq laga doonayo inay iska kaashadaan dhaqangelinta qaraarka.
Gudaha Ciraaq waxaa ku sugan ilaa 5,000 oo ka mid ah ciidamada Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here