Maraykanka oo baaq ka soo saaray dagaalka Armenia iyo Azerbaijan

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa dowladaha Armenia iyo Azerbaijan ku booriyay inay adeegsadaan qaab dibloomasiyadeed oo lagu xallinaya dagaalka ka dhexeya.
Waxaa uu ku taliyay in muranka u dhexeya labadan dal ee salka ku haya gobolka Nagorno-Karabakh wada hadal lagu dhameeyo.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo colaadda halkaas ka jirtay ay gashay bishii labaad.
Labada dhinac ayaa u muuqdo inay jabiyeen heshiis xabadjoojin ah oo ay garwadeen ka ahayd xukuumadda Washington.
Wasaaradda difaaca ee Armenia ayaa sheegtay in militarigeeda uu diiwaangeliyay dhimashada 1,009 sarkaal tan iyo 27-kii bishii hore oo uu dagaalka soo billowday.
Dowladda Azerbaijan ayaan dhankeeda shaacin khasaaraha nafeed ee ka soo gaalay dhinaca Armenia.
Ruushka ayaa sheegaya in la dilay qiyaastii 5,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here