Maraykanka oo baaraya suntii loo adeegsaday hoggaamiyaha Mucaaradka Ruushka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wuxuu sheegay in Mareykanku uu “si dhab ah u eegi”doono sunta la sheegay in loo adeegsaday madaxa mucaaradka wadanka Ruushka Alexei Navalny.
Madaxweyne Trump ayaa ka dhawaajiyay in maamulkiisa uu hadda cadeymo u heynin falka lagula kacay hogaamiyahas mucaaradka ah.
Waxaa uuna tani ku tilmaamay inay tahay mid laga naxo.
Laakiin maamulkiisa uusan wali arkin wax cadeyn ah.
Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibada Maraykanka ayaa isna dhankiisa sheegay in xadgudub weyn ay tahay hadii la helo cadeymo muujinaya in Alexei Navalny loo adeegsaday kiimikada halista ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here