Maraykanka oo beeniyay inuu Turkiga u oggolaaday howlgallada Waqooyiga Suuriya

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in xukuumadda Washington aynan Turkiga u oggolaan kuna taagersaneyn howlgalada Milatari ee uu ka billaabay waqooyiga Suuriya.
Waxaa uu xusay in dowladda Turkiga ay xaq u leedahay ka shaqeynta danaheeda.
Mr. Pompeo ayaa sido kale sheegay in ciidamada Maraykanka ay Suuriya isaga soo baxayaan maadaama laga adkaaday kooxda ISIS.
Turkiga ayaa howlgallada ku bartilmaameedsanaya dagaalyahanada Kurdiyiinta oo uu horay koox argagixiso u aqoonsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here