Maraykanka oo cambaareeyay weerarada Taalibaan ee ay shacabka ku dhintaan

Danjiraha gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan dalka Afghanistan Zalmay Khalilzad ayaa qoraal uu soo dhigay barta twitarka waxaa uu si kulul ugu cambaareeyay weeraro dhanka cirka oo ay gaysatay kooxda Taalibaan .
Khasaaraha ka dhashay duqeymaha waxaa ka mid ah in 45 qof oo shacab ah lagu dilay.
Weerarkan ayaa shalay ka dhacay gobolka galbeed ee wadankaas.
Sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda difaaca ee Afghanistan Asadullah Khalid ayaa sheegay inay baaritaano ku sameynayaan dhibaatada soo gaartay shacabka oo ay faahfaahin dhamaystiran soo bandhigi doonaan.
Afhayeenka Taalibaan Qari Maxamad Yuusuf Ahmadi ayaa dhankiisa sheegay inay dileen oo keliya 8 qof oo rayid ah wuxuuna ka gaabsaday inuu ka hadlo khasaare dowladda Afghanistan ay sheegtay in kooxda loo gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here