Maraykanka oo cunaqabateyn saaray wasiirka arrimaha dibadda Iran

Maraykanka ayaa cunaqabteyn ku soo rogay wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif.
Cunaqabateynkan ayaa wuxuu saameynaya dhammaan hantida uu Zariff uu Mareykanka ku leeyahay in la xayiro sida ay sheegtay wasaaradda maaliyadda.
Wasiirka arrimaha dibadda Iran wuxuu boggiisa Tweetarka uu ku qoray inuu Mareykanka uu cunaqabateyn u saaray isaga oo sheegay iney u arkaan mid ay siyaasaddiisu halis ku tahay.
Xiisadda ka dhex aloosan Mareykanka iyo Iran ayaa cirka isku sii shareertay wixi ka dambeeyey marki uu sanadki hore Mareykanka uu ka baxay heshiiski niyukilarka ee 2015-ka la galay ee lagu xakameeynayey barnaamijyada niyukilarka Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here