Maraykanka oo doonaya in QM ay ayiddo heshiiskii uu la galay Taalibaan

Dowladda Maraykanka ayaa doonaysa in maanta oo Talaado ah golaha amniga ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa uu cod u qaado heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen xukuumada Washington iyo kooxda Taalibaan.
Dibloomaasiyiin Maraykan ah ayaa soo jeediyay in xubnaha golaha UNSC ay codkooda ku taageeraan is-afgaradkii dhacay 29-kii bishii labaad ee sannadkan si nabad waarta loogu soo dabaalo dalka Afghanistaan.
Dhanka kale Milatariga Maraykanka ayaa billaabay inuu ciidamadiisa kala baxo gudaha dalkaas.
Heshiiskii lagu kala saxiixday dalka Qatar ayaa dhigaya in muddo 14 bilood gudahood ah dhammaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa gaashaanbuurta NATO laga saaro Afghanistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here