Maraykanka oo duqeymo ka fuliyay dalka Ciraaq

Maraykanka ayaa duqeymo dhowr ah ka fuliyay dalka Ciraaq gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka ay taageerto Iiraan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii fallagada ay sheegtay mas’uuliyadda duqeymo dhanka cirka ah oo lagu qaaday xero militari oo ay ku sugnaayeen ciidamadda Maraykanka iyo Ingriiska.
Goobaha uu maraykanka weeraray gelinkii dambe ee Khamiista ayaa waxaa ka mid ah garoon diyaaradeed oo ay dhismahiisa socotay kaas oo ku yaalla magaalada Karbala, sida uu xaqiijiyay sarkaal Ciraaqi ah oo ka howlgalo gegida diyaaradaha.
War qoraal ah oo ay soo saareen militariga Ciraaq ayaa lagu sheegay in Maraykanka uu duqeyay afar xaruumood.
Maraykanka ayaa dhankiisa weeraka ku tilmaamay mid sax ah oo ay isku difaacayeen ayna ku qaadeen kooxda Kataib Xizbullah.
Waxaa ay sheegeen in goobaha ay duqeyeen ay ka mid tahay xarun lagu keeydiyo hubka loo adeegsado weerarrada ka dhanka ah Maraykanka iyo xulafadiisa.
Dhanka kale, xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingriiska Dominic Raab ayaa duqeyntaasi ku tilmaamay qiyaas ahaan jawaab ku habboon weerarkii Koonfurta Baghdaad oo ay ku dhinteen labo sarkaal oo Maraykan ah iyo mid ka tirsanaa miltariga UK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here