Maraykanka oo Faahfaahin ka bixiyay duqaymo ka dhacay gobolka Jubada dhexe.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee KU Sugan qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa Faahfaahin loogu bixiyay duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 16kii bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Dujumma oo qiyaastii 6Km u jirta magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab, duqeyntaas aysan wax khasaare kasoo gaarin dad rayid ah sida lagu sheegay warka ka soo baxay Taliska AFRICOM.
Weerarkaas ayay Ciidamada Mareykanku waxay sheegay inay ku dileen Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab,sida uu sheegay kuxigeenka Madaxa howlgallada Ciidamada Mareykanka ee Africa Gen. Bradford J. Gering.
Ugu dambeyn Warka ka soo baxay Taliska Africom ayaa lagu sheegay in bilihii u dambeeyey Mareykanka uu horumar ka gaarey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,isla markaan ay awoodi waayeen shababaabku inay weeraro waa weyn fuliyaan.
Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah ee uu ka fuliyo gudaha dalka Soomaaliya,ee uu la beegsanayo Xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka Soomaaliya ee ka howlgasha deegaannada maamulka Puntland.
Dhanka kale waxay Faah faahino dheeraad ah kasoo baxayaan weerar Xubno katirsan Al-Shabaab ay saakay waabarigii ku qaadeen Bar Koontorool oo Millateriga Soomaaliya ku leeihiin degmada Balcad ee Gobolka Shabelelaha Dhexe.
Koontoroolka la weeraray ayaa waxaa uu ku yaallaa Galbeedka degmada Balcad halka laga soo galo gaar ahaan wadada aada Biyo Xireenka waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in mudo ah.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha Soomaaliya u sheegay inay dagaalkaas ku geeriyoodeen laba Askari iyo Nin Shacab ah oo caanka ahaa degmada Balcad laguna Magacaabi jiray Axmed Ganeey.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidada la weeraray ay maalma ka hor Koontoroolkaas soo dageen, iyagoo ka yimid dhinaca deegaanka Haansheekh ee Tuulada Gololeey oo ay Saldhigyo ku lahaayeen.
Maamulka degmada Balcad iyo Saraakiisha Ciidamada Xoogga weli kama hadlin weerarkaaas,hayeeshee Al-Shabaab ayaa Warar ay ku daabaceen Baraha Internet-ka ku sheegay inay weerarkaas ku dileen Saddex Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda wallow aysan jirin warar madax banana oo xqiijinaya.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka shabeellada dhexe ayaa sheegaya inay xaaladu degan tahay,hayeeshee Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay wadaan dhaq dhaqaaqyo dhanka amaanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here