Maraykanka oo faahfaahiyay duqaymo uu shabeelada Hoose ka fuliyay.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee ku sugan qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa faah faahin looga bixiyay duqeyn dhinaca cirka ah oo ay ka fuliyey Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 20/8/2020 aduqeyn dhanka cirka ah ka fuliyeen meel u dhow degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo todobaadkii hore ciidanka Xoogga dalka Soomalaiya kala wareegeen dagaalameyaasha AL-shabaab oo mudo dheer Gacanta ku hayay.
Weerarkaan ayaa lala beegsaday Goob ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kale duqeyntaas aysan wax khasaare kasoo gaarin dad rayid ah.
Weerarkaas ayuu Mareykanka sheegay inay ku dileen Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab,ayna ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab, sida uu sheegay Madaxa howlgallada Ciidamada Mareykanka ee Africa Gen. Jeneraal Joel Tyler.
Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaarada Africom iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin in xasilloonida Soomaaliya aan lagu gaari doonin qaab militari oo keliya, balse ay u baahan tahay inay siiyaan fursad dadka Soomaaliyeed.
Mareykanka ayaa inta badan duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyo Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya, iyagaoo sheega inay ku dilaan Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, hayeeshee mararka qaar ay duqeymahaasi waxyeelo kasoo gaarto dad rayid ah eek a ag dhow goobaha la beegsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here