Maraykanka oo faahfaahiyay duqeyn uu ka fuliyay Jubbada Dhexe

Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in laba duqeyn oo ay Khamiistii la soo dhaafay la beegsadeen dhismo ay Al-Shabab ku leeyihiin meel ku dhow deegaanka Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ay ku dhaawaceen laba ka mid ah dagaalyaanada halkaas ku sugnaa.
Waxaa qoraalka lagu xusay in duqeymaha noocan ah ay yihiin kuwo Maraykanka uu gacan kaga geysanaya ka hor tagga in Al-Shabab ay sameystaan meelo gabbaad u ah oo ay ka soo abaabulaan weeraro dhimasho dhaliya oo ka dhan ah Maraykanka iyo saaxibadiisa Bariga Africa.
Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday Gen. Bradford Gering, oo ah ku xigeenka agaasimaha howlgalada ee Taliksa Milatariga Maraykanka ee Africa.
Sido kale waxaa qoraalka lagu sheegay in qiimeynta weerarkaasi ee uu Mareykanku ilaa iyo hadda sameeyay ay muujineyso in saldhigaasi ay Al-Shabaab lahaayeen la burburiyay, laba ka mid ah Xubnihii halkaas ku sugnaana ay dhaawacmeen.
Qoraalku waxa uu intaasi ku daray in ilaa iyo hadda aysan jirin cid rayid ah oo weerarkaasi wax ku noqotay.
Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah si joogta ah uga fuliya Soomaaliya iyagoo la Al-Shabaab ee inta badan ku sugan gobolada jubbooyinka, shabeelooyinka iyo meelo ka mid ah gobolada dhexe, Baay iyo Bakool.
Waxaa kaloo ay duqeymo la beegsadaan Kooxda Daacish ee ku suganb buuraleyda Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here