Maraykanka oo faahfahain ka bixiyay duqaymo oo ku fuliyay koonfurta Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa faah faahin looga bixiyay duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Qoraalka ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 9-kii Bishaan July oo Khamiista ku beegnayn ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degaanka Hantiwadaag oo 12km u jira degaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-dagaalameyaasha Shabaab.
Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen hal Xubin oo ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana ay ku burburiyeen Xarun ay lahaayeen Al-Shabaab sida hadalkooda u dhigay.
Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM ee Nabad dhowrtista u jooga Soomaaliya iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab.
Warkaan kasoo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa kusoo aadaya xilli Mareykanka uu hakiyay todobaadyadii la soo dhaafay duqeymaha uu ka fuliyay gudaha dalka Soomaaliya oo mararka qaar ay ku waxyeeloobaan dadka Shacab ah ee ku sugan goobaha la weeraro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here