Maraykanka oo gargarka ka joojinaya meelaha ay Xuutiyiinta Yemen xukumaan

Hay’adda gargaarka ama horumarinta caalamiga ee Maraykanka ee loo yaqaano USAID ayaa sheegtay inay caawimaadda ka joojin doonto goobaha ay xukumaan falaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Hay’adda ayaa arrintan sheegtay inay dhaqan gelinayso haddii kooxdaas ay joojin wayso howlgalka ay kaga hor tagayaan in gargaar la geeyo halkaasi.
War qoraal ah ayay hay’adda ku sheegtay in qorshahan isbuuci hore la wadaagtay Qaramada Midoobay.
USAID ayaa sido kale xustay in tallaabadan ay dhaqan gelinaayso dhamaadka bisha saddexaad waa hadii fallaagada Xuutiyiinta ay hab dhaqankooda wax ka beddeli waayaan.
Maraykanka ayaa sannadkii hore dalka Yeman ugu deeqay gargaar dhan 700 milyan oo doolar waana wadanka bixiya gargaarka ugu badan ee Yeman taasoo ka dhiga ysa in dad badan oo ku nool goobaha uu ragaadiyay dagaalka ay ka badbaadan macluul.
Fallaagada Xuutiyiinta ee dowladda ka soo horjeeda ayaa la wareegay caasimadda Sancaa sannadkii 2014-kii kaddib markii la riday xukuumadii madaxweyne Cabdu-Rabbu Mansuur Hadi waxaa ay na la wareegeen qeybo badan oo kamid ah dalka.
Dagaalka ka socda YemEn ayaa waxaa ku dhintay kumanaan kun oo qof oo badankooda ah dad rayid ah sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka.
Iyada oo dagaalka ka dhaxeeya Xuutiyiinta ee ciidamada Yeman oo garab ka helaya isbeheysi milatari oo uu Sacuudiga hoggaaminaya uu gelayo sannadkii 6-aad , 10 milyan oo qof ayaa qarka u saaran gaajo, halka boqolkiiba 80 dadka ay u baahan yihiin gargaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here