Maraykanka oo hal bilyan oo doolar ka jaray deeqda Afghanistan

U.S. Secretary of State Mike Pompeo, left, stands with Afghan President Ashraf Ghani, at the Presidential Palace in Kabul, Afghanistan, Monday, March 23, 2020. Pompeo was in Kabul on an urgent visit Monday to try to move forward a U.S. peace deal signed last month with the Taliban, a trip that comes despite the coronavirus pandemic, at a time when world leaders and statesmen are curtailing official travel. (Afghan Presidential Palace via AP)

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mr. Mike Pompeo ayaa sheegay in xukuumadda Washington ay lacag dhan hal bilyan oo doolar ka dhintay dhaqaalihii ay ugu deeqi jirtay dalka Afghanistan.
Arrintan ayaa timid kaddib markii Maraykanka uu ku guul darreystay inuu heshiisiiyo madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani iyo Abdullah Abdullah oo siyaasad ahaan isku haya.
Labadan mas’uul ayaa loo soo jeediyay inay soo dhisaan dowlad loo wad adhan yahay balse ilaa iyo hadda wada -hadallada miro dhal ma noqon.
Bayaan uu Pompeo soo saaray ayuu ku sheegay inay qiimeyn sameynayaan oo ayna diyaar u yihiin inay sannadka 2021-ka , hal bilyan oo doolar oo dheeraad ah ay ka jaraan dhaqaalaha lagu taageero Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here