Maraykanka oo in ka badan 8 bilyan ugu talagalay Coronavirus

Golaha kongareeska Maraykanka ayaa u codeeyay in dhaqaale gaaraya 8.3 bilyan oo doolar loo adeegsado wax ka qabashada caabuqa Coronavirus ee ka soo billowday Shiinaha kaddibna ku sii fiday wadamo badan oo caalamka ka mid ah.
Gudaha Maraykanka waxaa ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay kiisas dhimasho oo dhan 11 oo la xiriira firuusigan.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale dowladda Talyaaniga ay dugsiyada xirtay sido kalena ay mamnuucday isku soo baxyada dadweynaha.
Caalamka oo dhan in ka badan 93,000 qof ayuu saameeyay Coronavirus.
Saameynta ugu badan ayaa soo gaartay Shiinaha oo ilaa iyo hadda ay u dhinteen in ka badan 3,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here