Maraykanka oo ka hadlay qorshaha dayn Cafinta ee Soomaaliya

Safiirka dowlada Maraykanka u fadhiya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya , Donald Yamamoto ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay heerka ay ka gaartay dedaallada ay ugu jirto in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay taasoo Maalin ka hor Hay’ada Lacagta aduunku sheegay in dowlada Soomaaliya gaadhay Barta DAYN Cafinta.
Donald Yamamoto Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya , oo bartiisa xiriirka Bulshada kula hadlay Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu hambalyeeyay inay Soomaaliya soo gaartay heerka go’aan qaadashada ee Barnaamijka deyn cafinta.
Wuxuuna sheegay Safiirku inay Soomaaliya yeelatay mustaqbal ifaya, isagoo intaa raaciyay inuu Maraykanku ku garab taagan yahay Dowladda Soomaaliya barnaamijka habaynta hay’adaha dhaqaalaha ee dalkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here