Maraykanka oo kala diraya guddiga la tacaalaya coronavirus

Wararka naga soo gaaraya Maraykanka ayaa sheegay in aqalka cad ee dalkaas looga arrimiyo ee White House uu qorsheynaya in dhowr isbuuc gudahood lagu soo gabagabeeyo shaqada guddiga loo xil saaray ka hortagga faafitaanka caabuqa Coronavirus .
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo cudurka covid-19 uu weli xukuumadda Washington faro ba’an ku hayo.
24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ugu yaraan laba kun iyo saddex boqol oo qof ayaa gudaha Maraykanka xanuunka ugu dhintay.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilli uu booqday warshad ku taalla gobolka Arizona oo soo saarta maaskarada afka iyo sanka lagu duubto yiri dalkeena dib ayaan u soo celinaynaa.
Saraakisha Caafimaadka Maraykanka ayaa ka digay in fayraska uu sii faafo iyadoo dalkaasi laga bilaabay in ganacsiyada qaar dib loo furo.
Mareykanka ayaa haatan waxaa laga xaqiijiyay 1.2 milyan oo kiis iyo in ka badan 70,000 oo dhimasha ah sida laga soo xigtay tirakoobka Jaamacadda Hopkins ee si dhow ula socoto xaaladaha ku soo kordhaya cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here