Maraykanka oo Kenya siinaya ugu yaraan 5 bilyan

Dowladda Kenya ayaa la filayaa inay Maraykanka ka hesho deeq lacageed oo dhan 5.3 bilyan oo shilin .
Deeqdan ayaa lagu taageerayaa waaxda caafimaadka iyo sido kale dib u soo noleynta dhaqaalaha.
Safiirka Maraykanka ku matalo dalka Ambasadoor Kyle McCarter ayaa sheegay in lacagtan ay bixin doonto hay’adda horumarka caalamiga ee USAID.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay ku dadalayaan sidii dhaqaalahan loo gaarsiin lahaa ismaamullada si ay uga faaiidaystaan bulshooyinka ku nool deegaanada kala duwan.
Mr. McCarter ayaa hoosta ka xarriiqay in Kenya ay taageero u baahan tahay xilligan uu jiro cudurka COVID19 oo ay ka sii horeyeen daadad iyo Ayax saameyn reebay.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ku dhawaad 60 milyan oo deeqdan ka mid ah loo adeegsado barnaamijka ay ardayda casharada ku qaadanayaan qaab online ah iyo in dhalinyarada ay shaqooyin helaan.
Agaasimaha howlaha hay’adda USAID ,Mark Meassick ayaa sheegay in lacagtan ay Kenyaanka si toos ah uga faaiidayaan.
Dowladda Kenya oo garab ka helaysa Maraykanka ayaa ilaa iyo hadda tababarro siisay in ka badan 1,600 oo ku sugan 35 ka mid ah ismaamullada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here