Maraykanka oo Kenya ugu deeqay agab caafimaad

Safaaradda dowladda Maraykanka ee dalkani Kenya ayaa sheegtay inay waaxyaha kala duwan ee wasaaradda arrimaha gudaha ku wareejisay agab caafimaad iyo qalab dhanka isgaarsiinta oo lagu soo iibiyay 63 milyan.
Agabka caafimaad ayaa ah midka la isaga difaaco cudurka Covid19 ee (PPE) .
Waxaa deeqdan maalgelisay waaxda Maraykanka ee qaabilsan la dagaalanka daroogada iyo dhaqangelinta shuruucda ee (INL).
Waxaa lagu taageeray waaxda qaran ee adeegga booliska , maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeyo howlaha booliska ee IPOA iyo ciidamada asluubta si ay u soo xoojiyaan dagaalka ay Kenya kula jirto cudurka sii faafaya.
Safiirka Maraykanka ee Kenya Ambasadoor Kyle McCarter ayaa sheegay in deeqdan ay muujinayso mas’uuliyadda dowladaha iyo beesha caalamka ka saaran ilaalinta caafimaadka dadweynaha.
Waxaa uu xusid inay aad muhiim u tahay in shacabka ay raacaan talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafitaanka coronavirus sido kalena booliska ay dhaqangeliyaan amarrada dowladda iyadoo aan wax xadgudub ah la sameyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here