Maraykanka oo Kenya ugu deeqaya in ka badan 700 milyan oo shilin

Xarunta Xakameynta Cudurrada ee Mareykanka(CDC) ayaa Kenya ugu deeqaysa lacag dhan 6.6 milyan oo doolarka Maraykanka oo u dhiganta 705 milyan oo shilin .
Lacagtan ayaa loo adeegsanayaa ka hor tagga , diyaargarowga iyo ka falcelinta xanuunka Covid-19.
War qoraal oo ay maanta soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa lagu sheegay in lacagahan dheeraadka ah loo adeegsan doona xoojinta qalabka wax lagu baaro, howlaha kormeerka iyo kharashaadka shaqaalaha.
Safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa sheegtay in ku dhawaad 1.8 milyan oo doolar oo u dhiganta 192 milyan oo shilin si dhaqsa ah loo bixin doono taas lagu taageerayo baahiyaha ugu muhiimsan ee la xiriira xakameenayo faafida cudurka.
Safiirka Mareykanka ee Kenya, Kyle McCarter ayaa sheegay in ay sii wadii doonaan taageerida ay u fidinayaan Kenya isagoona xusay in nus qarni ay la shaqeynayeen wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in laga soo bilaabo horraantii bishii Janaayo ee sannadkan Xarunta Xakameynta Cudurrada ee Mareykanka (CDC) ee Kenya u soo dirtay 50 khuburro caafimaad kuwaasoo fadhigoodu yahay magaalada Nairobi si ay uga hortagaan cudurka coronavirus.
Shaqaalaha xarunta CDC ayaa la sheegay inay iskaashi dhinacyo badan ah la leeyihiin saraakiisha caafimaadka ee dalka sida kuwa ka howlgalo sheybaarka qaranka, xafiisyada dowladda hoose, iyo guddiga gurmadka degdega waxayna sidoo kale u fidiyeen tababar ku saabsan u diyaar garowga iyo ka jawaab celinta heer qaran iyo mid degmo.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Maraykanka ,Donald Trump oo qadka telefoonka kula hadlay madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa wuxuuna labaduba u ballanqaaday in uu gargaar siin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here