Maraykanka oo Kenya ugu deeqday 200 oo qalabka neef caawiyaha ah

Dowladda Mareykanka ayaa iyada oo u marineyso hay’adda caalamiga ee horumarka ee USAID waxay Kenya ugu deeqday 200 oo ah qalabka neefa caawiyaha ee loo yaqaano ventilator.
Danjiraha dowladda Maraykanka ku matalo Kenya Ambasadoor Kyle McCarter ayaa sheegay in qalabkani caafimad uu wasarradda caafimadka dalka u ka caawin doono la dagaalanka cudurka Covid-19.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in hay’adda USAID ay si toos ah qalabka neefsashada u gaarsiin doonto xarumaha caafimad ee ay dowladda dalka soo xulatay.
Agaasimaha howlaha hay’adda USAID ,Mark Meassick ayaa sheegay in mas’uuliyiinta qaranka iyo kuwa degmooyinka ay sidoo kale saxiixi doonaan warqad fulin ah oo lagu mamnuucaya iibinta ama dhoofinta qalabkan neef caawiyaha.
Dowladda Mareykanka ayaa horaan taageero siisay dalka iyadoo 6 bilyan oo shillin deeq ahaan dowladda Kenya u siisay waxaana saraakiisha caafimadka ee Mareykanka ay gacan siyeen shaqaalaha caafimadka gaar ahaan tababarrada la xiriira qaabka tijaabada loo sameyo, biyaha, iyo fayadhowrka, waxbarashada iyo sidoo kale cilmi baarista.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here