Maraykanka oo kordhinaya canshuurta la saaro badeecadaha Shiinaha

Waxaa sii xumaaday xariirka ganacsi ee ka dhexeya wadamada Maraykanka iyo Shiinaha kaddib markii madaxweynaha xukuumadda Washington Mr. Donald Trump uu amar ku bixiyay in la kordhiyo canshuurta laga qaado badeecadaha laga soo saaro Shiinaha.
Dowladda Shiinaha ayaa dhankeeda sheegtay inay qaadi doonto tallaabo fal celin oo tani la mid ah.
Shalay ayay ahayd markii sarakiil sar sare oo matalaya labada wadan ay soo gabagabeeyeen kulamo ay lahayeen labadii maalmood ee ugu dambeeyay.
Waxaa mar dhow la filayaa inuu Maraykanka ka dhaqangalo amarka Trump ee ah in canshuur dhan boqolaal bilyan oo doolar lagu soo rogo badeecadaha laga soo saaro Shiinaha ee halkaasi loo iibgeeyo.
10-kii bilood ee ugu dambeeyay waxaa jiray muran dhanka ganacsiga ah oo ka dhexeya Maraykanka iyo Shiinaha kaasi oo shirkado badan ku keenay khasaarpo hantiyeed oo lagu qiyaasayo ballaayiin doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here