Maraykanka oo laga dalbay bixinta Magdhowga dadka ku waxyeeloobay Duqaymaha Soomaaliya uu ka fuliyo

Hay’adda xaquuqda Aadanaha u dooda ee Amnesty Inetrnational ayaa oo ka jawaabaysay Warbixintii kasoo baxday Taliska ciidamada Maraykanka ee ka hawlgala qaaradda Afrika ee AFRICOM oo lagu qirtay in duqeyn uu Mareykanak ka geystay Aaga degmada jilib ee gobolka Jubada hoose dalka Soomaaliya ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah ayaa sheegtay in bixinta madhowga dadka Waxyeeladu soo gaarat Waajib tahay.
Qoraal kasoo baxay Hay’da Amnesty Inetrnational ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee AFRICOM ay xaqiijiso warbixin ku saabsan khasaaraha rayidka kasoo gaaray duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya oo ay baaris ku sameysay hay’adda Amnesty International.
Hay’du Waxay sheegtay in Qirashada Mareykanka ee hada ay tahay kiiskii saddexaad oo ay xaqiijiyeen 13 sano oo duqeyn xagga cirka ah ay ka wadeen gudaha Soomaaliya,Hadda oo ay jirto qirasho wax qabadkoodana, ay lagama maarmaan tahay in dhanka kalena ay jirto isla xisaabtanka iyo magdhawga dhibbanayaasha iyo qoysaskooda ay waxyeeladu Gaartay.
Hay’adda Amnesty Inetrnational waxaay sheegtay in AFRICOM ay horumar la taaban karo ka qaadatay qirashada dhibaatooyinka shacabka kasoo gaara duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya,hayeeshee looga baahan yahay inay ka hortagaan dhibaatooyinkaas rayidka ah marka ugu horreysa, iyo sidoo kale inay hubiyaan sida ay u dhacayaan duqeymaha.
Mareykanka ayaa waxaa uu duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyaa magaalooyin badan oo kamid ah dalka Soomaaliya,waxaana uu sheegaa inuu dilo Saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab & Daacish, waxaana mararka qaar ku waxyeelooba dad rayid ah oo ku sugan deegaano ku hdow halka La Bartilmaameedsaday.
Hadlka Hay’da u dooda xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa wuxuu ku soo aadayaa ayadoo Taliska ciidamada Maraykanka ee ka hawlgala qaaradda Afrika ee magacooda loo yaqaano AFRICOM ay soo saaray warbixin ku saabsan khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaara duqaymaha iyo baaritaankii uu talisku ku sameeyey.
AFIROCOM waxay qiratay inay soo gaareen eedo la xiriira dad rayid ah oo ku dhintay duqayn uu Maraykanku ka gaystay nawaaxiga degmada Jilib ee gobolka Jubada hoose 2-dii Febraayo ee sanadkan 2020-ka.
Maraykanku waxay sheegeen inay xaqiijiyeen dhimashada qof rayid ah oo ku dhintay duqayntaas.
Hay’adda u dooda xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa horay Mareykanka ugu eedeysay inuu dad Shacab ah ku dilo duqeymaha uu ka fuliyo Gudaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here