Maraykanka oo laga diiwaangeliyay in ka badan 47,000 oo ah kiisaska cusub ee coronavirus

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay xaqiijisay xaalado cusub oo la xiriira fayraska corona oo ah ugu yaraan 47,000.
Sido kale macluumaadka laga helaya maamullada caafimaadka ee dalkaas ayaa muujinaya in muddo hal bil gudaheed ah xaaladaha caabuqa ee laga xaqiijiyay 14 gobol ay laba jibaar noqdeen.
Khabiir sare oo ku takhasusay cudurada faafo oo lagu magacaabo Dr Anthony Fauci ayaa arrinkan digniin ka soo saaray.
Waxaa uu sheegay inay suurtagal tahay in gudaha Maraykanka maalin kasta laga diiwaangeliyo 100,000 oo kiisas hor leh ah.
Mas’uulkan ayaa sido kale xusay in dhimashada la xiriirta cudurka COVID19 ay sii kordhi karto hadii dadweynaha aynan si buuxda ugu hoggaansamin talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafitaanka fayraska.
Guud ahaan caalamka waxaa uu cudurka haleelay in ka badan 10.4 milyan oo qof.
Ugu yaraan 5.3 milyan ayaa ka bogsaday waxaana u dhintay ku dhawaad 510,000 sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins oo si dhow ula socoto xaaladaha sii kordhaya ee coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here