Maraykanka oo laga diiwaangeliyay tiradii ugu badneyd ee maalinla ee Coronavirus

Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay ku dhawaad 39,000 oo ah xaaladaha cusub ee fayraska corona.
Tiradan ayaa lagu sheegay midii ugu badneyd ee hal maalin gudaheed la diiwaangeliyo.
Gobollo badan gaar ahaan kuwa ku yaalla dhanka galbeedka iyo Koonfurta Maraykanka ayaa xaqiijiyay kiisas dheeraad waxaana ka mid ah Texas, California iyo Arizona.
24-kii saacadood ee ugu dambeeyay Texas, Florida iyo California waxaa laga kala diiwaan geliyay 7,100, 5,550 iyo 5,510 xaaladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here