Maraykanka oo laga xaqiijiyay in ka badan 100 kun oo ah kiisaska cusub ee coronavirus

Waxaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay gudaha Maraykanka laga diiwaangeliyay ugu yaraan 102,591 oo ah xaaladaha cusub ee caabuqa corona.
Sagaal ka mid ah gobollada Maraykanka ayaa laga xaqiijiyay sare u kac dhanka kiisaska ah.
Gobolladan ayaa kala ah Colorado, Idaho, Indiana, Maine, Michigan, Minnesota, Rhode Island, Washington iyo Wisconsin.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo halkaas ay ka dhacayso doorasho madaxtinimo oo ay ku tartamayaan Donald Trump oo hadda xilka haya iyo Joe Biden.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here