Maraykanka oo laga xaqiijiyay in ka badan 1000 xaaladood oo cusub oo COVID19 ah

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay xaqiijisay kiisas hor leh oo la xiriira cudurka COVID19 oo kor u dhaafaya 1000.
Hal maalin gudaheed ayaa xaaladahan la diiwaangeliyay waxaana intooda badan lagu arkay gobolka California .
Guud ahaan caalamka waxaa uu cudurka haleelay ugu yaraan 15 milyan oo qof.
Waxaa dunida oo dhan ugu dhintay in ka badan 622,000 sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University oo si dhow ula socoto kiisaska sii kordhaya.
Dhimashada ugu badan ee cudurka waxaa laga diiwaangeliyay wadamada Maraykanka , Brazil, Ingiriiska ,Mexico iyo Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here