Maraykanka oo maalgelinayo amniga dekadda Mombasa

Dowladda Maraykanka ayaa maalgelisay ilaa 11 qalab casri ah oo lagu rakibayo dekadda magaalada Mombasa ee gobolka xeebta.
Sido kale safaaradda xukuumadda Washington ee Nairobi ayaa halkaasi ka dhistay xarun loogu talagalay in laga ogaado xaaladaha degdega ah.
Waxyaabaha la xariira hubka nukliyeerka ayaa iyadoo la adeegsanaya qalab casri ah sida ugu dhaqsiyaha badan loo dareemi karaa si qiimeyn loogu sameeyo.
Safiirka Maraykanka ku matalo dalka Kyle McCarter ayaa xusay in qalabka gaarka ah ee lagu wareejiyay maamulka dekadda uu gacan ka geysanayo in la aqoonsado kiimikada iyo waxyaabaha kale ee hubka laga sameeyo iyo sido kale badeecooyinka sharci darrada ah.
Mr.McCarter ayaa carrabka ku dhuftay in tani ay caddeeyn u tahay in Maraykanka ay ka go’antahay inuu Kenya ka caawiyo la dagaalanka argagixisada iyo ka hor tagga arrimaha saameyn ku yeelan karo horumarka iyo xasiloonida guud.
Safaaradda dowladda Maraykanka ay ku leedahay dalka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto tageerada ay siiso maamulka talada haya iyo hay’adaha dowladeed ee kala duwan.
Labada wadan ayaa si gaar ah isaga kaashanaya sugidda ammaanka dekadda Mombasa iyo joogteynta howlaha kormeerka ee lagu sameeyo.
Sido kale waxaa si dhow loola soconaya dhammaan xuduudda Kenya laga soo galo si looga hor tago in la soo gudbiyo waxyaabaha halista ah sida daroogada, badeecooyinka kontarbaanka iyo foolasha maroodiga ama xubnaha duurjoogta kale ee laga ganacsado.
Dowladda Maraykanka ayaa dhanka kale tababaro dhinaca ammaanka iyo badqabka u sameysay ciidamo ka kala tirsan waaxyo kala duwan balse dhammaan ka howlgalo dekadda.
Ambasadoor McCarter ayaa sido kale Mombasa kula kulmay ciidamada ilaalada ee xeebta dalka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here