Maraykanka oo muwaadiniintiisa uga digay inay safar ku tagaan Shiinaha

Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan wadanka Shiinaha oo caabuqa Coronavirus ee saameeyay ilaa iyo hadda ay u dhinteen 213 qof.
Bayaan ay soo saartay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in digniintan mid la mid ah laga soo saaray safarrada Ciraaq iyo Afghanistan.
Kiisaska dhimasho ee Shiinaha laga soo tabiyay ayaa 204 ka mid ah waxaa laga soo sheegay gobolka Hubei.
Kiisaska guud ee dalkaas ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay ayaa gaaraya 9,692 .
Wararka ayaa intaas ku daraya in firuusiga uu hadda ku fiday dhammaan 31-da gobol ee Shiinaha.
Waxaa 22 wadan oo kale laga soo tabiyay 129 kiis in kastoo aynan jirin wax dhimasho ah oo ka baxsan Shiinaha.
Dhanka kale waxaa sii kordhaya tirada wadamada ee shaaciyay inay shacabkooda ka soo daadgureynayaan magaalada Wuhan ee bartamaha wadankaas oo uu cudur sidaha ka soo billowday.
Wadamada kale ee caabuqa Coronavirus laga soo tabiyay waxaa ka mid ah Finland iyo isu tagga imaaraadka carabta ee UAE.
Wadamada New Zealand, Singapore iyo Indonesia ayaa sheegaya inay wadaan dadaalo ay muwaadiniintooda kaga soo saarayaan magaalada Wuhan.
In ka badan 200 oo qof oo u dhashay dalka Japan kuwaasoo laga soo qaaday Shiinaha ayaa laga helay caabuqa coronavirus sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka.
Sido kale ku dhawaad 200 oo ah muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugnaa magaalada Wuhan ee Shiinaha ayaa la soo daadgureeyay in kastoo saraakiisha ay sheegayaan inaan lagu arag astaamaha caabuqan lagu garto.
Ruushka ayaa shaaciyay inuu xirayo xuduudda oo la wadaago Shiinaha oo dheeradkiisu yahay 4,180 kiilomitir.
Xukuumadda Moscow ayaa sheegtay in xuduudeeda dhanka Shiinaha ay xirnaan doonto ilaa koowda bisha saddexaad ee sannadkan.
Waxaa tallaabadan mid la mid ah qaaday wadamada Mongolia iyo Kuuryada Waqooyi oo diiday in la isku soo gudbo.
Dowladda Shiinaha ayaa dhankeeda shaacisay inay maanta oo jimco ah diyaarado direysa si shacabkeeda ka soo jeedo gobolka Hubei ee dibadda ku nool loo soo qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here