Maraykanka oo qalab caafimaad u qeybinaya isbitaallo dhowr ah

War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee magaaladatani Nairobi oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray idaacadda Star FM ayaa lagu sheegay inay bixinayso qalab caafimaad oo ku kacaya 7.9 milyan oo shilin.
Adeeggan oo uu ka mid yahay afxirka ayaa loogu talagalay dhakhaatiirta la tacaalaya cudurka COVID19 ayaa la gaarsiinaya ilaa 5 xarumood oo caafimaad.
Isbitaalladan ayaa ku kala yaalla ismaamullada Nairobi, Mombasa, Kisumu, Siaya, iyo Nakuru .
Xarumahan ayaa ka la ah Bondo Sub-County Referral Hospital ee ismaamulka Siaya, Kenyatta National Hospital (Nairobi), Coast Provincial General Hospital (Mombasa), Jaramogi Oginga Odinga Teaching and Referral Hospital (Kisumu) iyo isbitaalka weyn ee Nakuru County Referral Hospital.
Safiirka Maraykanka ee dalka Ambasadoor Kyle McCarter ayaa sheegay in xukuumada Washington ay wadamada caalamka oo ay Kenya ugu horeeyso siiso taageero sannadla ah oo dhan 60 bilyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here